1/19/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 26, 2022
Madaxweyne Xasan Sheekh oo taageeray baaq nabadeed oo kasoo baxay odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka Cadale
 

Sabti, November, 26, 2022 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan degmada Cadale ayaa taageeray baaq nabadeed oo ay soo saareen culumada, odayaasha dhaqanka iyo qeybaha bulshada kaasi oo adkeynaya heshiisiinta bulashada, ciribtirka jidgooyooyinka sharci darrada ah iyo dardargelinta dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab.

Madaxweynaha ayaa hoosta ka xarriiqay in aan la aqbalin karin in jidgooyo sharci-darro ah la dhigto deeganada gobolka isla markaana lagu dhibaateeyo muwaadiniinta safarka ah, isaga oo faray laamaha amniga iyo odayaasha dhaqanka in ay u midoobaan qofkasta oo lagu helo in uu caqabad ku yahay wada noolaashaha iyo xasilloonida.

“Qof muslim ah oo walaalkiis ah oo Soomaali ah qofkii inta u qasday dilay, magaca uu doono haku dilo waa qaatil, ma ahan reer hebel, qabiil na ma ahan, waa dilaa, dilaana shareecada waxa ay ka qabto waa ognahay, sidoo kale dadka isbaarada dhiganaya waa qaadicul-dariiq iyagana qabiil ma lahan waa in sharciga la marsiiyo,” ayuu yiri madaxweynuhu.

Madaxweynaha ayaa xusay in duubabka dhaqanka Soomaaliyeed ay udub dhexaad u yihiin hiigsiga Soomaali heshiis iyo jiheynta bulshada, waxa uuna ku booriyay in ay xoogga saaraan isku xirka bulshada iyo in loo midoobo dagaalka lagu ciribtirayo Al-shabaab.

“Waxa aan ka war haynaa in argagixisadu ay ku mashquulsan tahay iska hor keenidda beelaha walaalaha ah ee ku nool deegaanada ay ka socdaan hawlgallada dalka looga xoreynayo, waa nasiib darro weyn in cadawgeennu uu helo fursaddii uu raadinayay, waa in si shuruud la’aan ah loo joojiyaa dagaalka dadka walaalaha ah, waana in aan u midowno kan waajibka ah ee argagixisada," ayuu yiri madaxweynuhu.

Waxaa Kulankan laga aqriyay Qaraar golaha wasiirradu ansixiyeen kaasoo la xiriira deegaannada cusub ee laga xoreynayo Alshabaab, qaraarkan ayaa isugu jira, Amniga iyo xasilloonida, amarka iyo kala dambeynta, isu socodka, xakamaynta xad-gudubyada ciidamada iyo denbi-falayaashu ka geysan karaan goobaha laga xoreeyey Alshabaab iyo ilaalinta xuquuqda Aadamaha.

Madaxweynaha Hir-shabeelle, Cali Guudlaawe Xuseen oo goob joog ahaa kulanka ayaa ballanqaaday in uu mudnaanta koowaad siinayo hirgalinta qodobada ku xusan Baaqa Nabadda Cadale, si loo helo nabadgalyo, horumar iyo xasillooni waarta.

Ugu danbeyn Duubabka iyo Odayaasha dhaqanka ayaa saxiixay baaqa nabadda Cadale, kaasi oo adkaynaya wadajirka isla markaana tilmaamaya in bulshada u midowdo dagaalka Alshabaab. baaqa ayaa hoosta ka xariiqay in qofkii qof dila sharciga la marsiiyo lana xakameeyo jidgooyooyinka sharci-darrada ah.