1/16/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 6 , 2022
Maamulka gobolka Gedo oo ka horyimid guddigii uu raysal wasaaruhu u magacaabay gobolka Gedo
 

Axad, Maarso, 6, 2022 (HOL) - Maamulka gobolka Gedo ayaa diiday guddigii uu raysal wasaaruhu usoo magacaabay kasoo talo bixinta xaaladda magaalada Garbahaareey, oo ah deegaan doorashada labaad ee Jubbaland.

Guddoomiyaha gobolka Gedo, Axmed Buulle Gareed. ayaa ku tilmaamay guddiga in uu yahay gudi dhinac kararan oo aan dhexdhexaad ahayn, oo ka kooban kaliya Maamulka Jubbaland garabka Axmed Macioobe iyo adeegayaal kasocda xafiiska Raysulwasaaraha JFS,

Guddoomiyaha Gedo wuxuu sheegay in gudigaan uu yahay mid lagu seeto dheeraynayo doorashada, looguna diidaayo dadka reer Gedo xaquuqdooda matalaaad ee doorashada Garbahaareey.

Warkan ayaa imaanaya iyadoo lagu waday in guddigaan oo maalmahan Kismaayo ku sugnaa ay tagaan gobolka Gedo, iyagoo wada qiimayn ku saabsan in Gedo lagu qaban karo doorashada aqalka hoose.

Halkaan hoose ka akhriso bayaanka maamulka gobolka Gedo.



Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online