1/16/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 31, 2022
Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya AMISOM oo maanta lasoo gabagabeeyay
 

Khamiis, Maarso, 31, 2022 (HOL) - Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya AMISOM oo 15 jir jirsaday ayaa maanta lasoo gaba gabeeyay. Qorshaha kala-guurka ah ee ATMIS ayaa shaqeyn doona laga bilaabo berri iyadoo ciidamada Soomaaliya ay mas'uul ka yihiin dhammaan howlgallada amniga ee howlgalka cusub.

Soomaaliya iyo Midowga Afrika ayaa bishii Jannaayo kala saxiixday heshiis lagu dhisayo howlgalka ATMIS, oo shaqeyn doona muddo labo sano ah, si ay u diyaariyaan hannaanka ciidamada Soomaaliya kula wareegayaan amniga dalka.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa laga sugayaa in ay ansixiyaan howlgalka cusub ee Midowga Afrika ee ATMIS, kaas oo ciidamada Soomaaliya udiyaarinaya inay la wareegaan guud ahaan amniga dalkooda sanadka 2024-ka.

Qorshahan ayaa la sameeyay 2018-kii, waxaana la fulin doonaa saddexda sano ee soo socota, sida ku cad heshiiska Soomaaliya iyo golaha midowga Afrika.

Hawlgalka AMISOM oo bilowday sannadkii 2007, ayaa lagu dhaleeceeyaa inuu ku guuldareystay inay ka adkaadaan kooxda al-Shabaab.

Dalalka ay ciidamada ka joogana Soomaaliya ayaa lagu wadaa inay dhimaan tirada ciidamada ka jooga Soomaaliya, inkastoo quburada caalamka ay ka digeen inaan lagu fududaan in ciidamada AMISOM si fudud ku baxaan.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online