1/16/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 24, 2022
Raysal wasaare Rooble: Xildhibaan Aamino waxay tusaale cad u ahayd matalaadda shacabka iyo u doodista xaquuqda muwaadiniinta
 

Khamiis, Maarso, 24, 2022 (HOL) - Ra’iisul Wasaaraha xukuumada federalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa si adag u cambaareyay weeraradii shalay iyo xalay ka kala dhacay magaalooyinka Muqdisho iyo Baladweyne.

Raysal wasaaraha ayaa sheegay in looga gol leeyahay in lagu carqaladeeyo doorashada laguna cabsi geliyo shacabka Soomaaliyeed iyo saaxiibbada caalamka.

"Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu u arkaa in weerarkii maanta lagu qaaday aagga xerada Afisyooni ee u dhow garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho iyo qaraxii Baladweyne ee caawa lagu dilay Allaha u naxariistee xildhibaan Aamino Maxamed Cabdi iyo muwaadiniin kale oo Soomaaliyeed ay yihiin kuwo isku xiran oo abaabulan, marka la eego goobaha la beegsaday, shakhsiyaadka la bartilmaameedsaday iyo xilliga lagu soo aaddiyay," ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay xafiiska raysal wasaaraha.

Rooble waxa uu tacsi  u diray ehelada iyo Ummadda Soomaaliyeed ee ay ka baxday xildhibaan Aamino Maxamed Cabdi, isagoo sheegay inay tusaale u ahayd matalaadda shacabka iyo u doodista caddaaladda iyo xuquuqda muwaadiniinta.

“Xildhibaan Aamino oo la wada ogyahay doorkeedii caddaalad u raadinta marxuumad Ikraan Tahaliil, maalmo ka horna la isku dayay in kursigii ay u tartameysay la boobo, waxaa caawa loo dilay si aan caddaaladdu u guuleysan iyo in la niyad jabiyo cid kasta oo xaqa ku fara adeygta”.

Waxa uu sheegay in falalka noocan ahi aysan marnaba ka horjoogsan doonin xaqiijinta in ay dalka ka dhacdo doorasho sida ugu dhaqsiyaha badan, waxa uuna shacabka Soomaaliyeed ku boorriyay feejignaan dheeri ah iyo in ay gacan ku siiyaan hirgelinta doorashada iyo in dalku yeesho hoggaan cusub oo ka samata bixiya xaaladda adag ee amni, siyaasad, dhaqaale iyo bani’aadminimo.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online