1/16/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 16, 2022
Galmudug iyo Koonfur-Galbeed oo ka horyimid jadwal uu soo saaray Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal
 

Arbaco, Maarso, 16, 2022 (HOL) - Guddiga Doorashooyinka ee Heer Federaal ayaa xalay soo saaray jadwalka geeddi-socodka doorashada, oo asteeynaya isu keenista, shahaado bixinta iyo xiliga munaasabadda dhaarinta xildhibaannada la doortay.

Guddiga ayaa ku beegay munaasabadda dhaarinta xildhibaannada 14-ka bisha dambe ee Abriil.

Balse maamulka Koonfur-Galbeed ayaa caddeeyay in uusan waxba kala socon jadwalka la faafiyay ee ku saabsan hannaanka loo marayo isu keenista, shahaado bixinta iyo dhaarinta xildhibaannada la doortay ee labada aqal ee barlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya

Koonfur-Galbeed ayaa sheegtay in keliya ay aqbaleyso jadwal iyo qorshe ay ku heshiiyeen Madasha Wadatashiga Qaran, isla markaana Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha iyo Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal aysan wax kaalin sharci waafaqsan ku laheyn isu yeerista iyo qaban-qaabada dhaarinta xildhibaannada la doortay.

Dhinaca kale maamulka Galmudug ayaa caddeeyay in uusan aqbali doonin jadwal iyo go’aamo aan kasoo bixin Madasha Wadatashiga Qaranka, guddiga doorashooyinka Heer Federaalna ay qaadeen tallaabo ka baxsan awooddooda, waxeyna kasoo horjeedaa heshiiyadii iyo hab-raacyadii doorashooyinka.

Galmudug ayaa ka digtay wax-kasta oo caqabad ku noqon kara dhammeystirka hannaanka doorashooyinka.

Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa xalay hoosta ka xariiqday in dowlad-gobolleedyada Koonfur-Galbeed iyo Galmudug ay doorashada Golaha Shacabka kusoo gabo-gabeeyeen waqtigii lagu ballamay ee 15-ka bishan Maarso.

Halka safaarada ay niyad jab ku tilmaamtay madaxweynayaasha Jubbaland, Puntland iyo Hirshabelle oo markale seegay waqti kale oo muhiim ah.

Hassan Istiila, Hiiraan Online
[email protected]