10/22/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 19, 2022
Ciidamada dowladda oo soo bandhigay askari ku eedeysan dilka Taliye ku xigeenkii Nabadsugida Galmudug iyo Walaashiis
 

Talaado, Luulyo, 19, 2022 (HOL) - Ciidamada amaanka dowladda Soomaaliya ayaa Saldhiga Booliiska degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud kusoo bandhigay askari ka tirsana ciidanka dowladda oo la sheegay inuu laba maalin ka hor ku dilay degmada Caabudwaaq Taliye ku xigeenkii Nabadsugida maamulka Galmudug Faarax Cumar Geelle iyo Walaashiis Xaawo Cumar Geelle.

Askarigaan ku eedeysan dilka ee Maanta lasoo bandhigay ayaa lagu magacabaa Axmed Dhagadheere, kaasoo ka mid ahaa ciidanka Militariga dowladda Soomaaliya.

Eedeysanahan oo ay ciidamada ku raad joogeen labadii maalmood ee lasoo dhaafay ayay xalay kasoo qabteen ciidamada dowladda deegaanka Ceel gargaar ee ku yaala duuleedka bari ee degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud.

Masuuliyiinta maamulka degmada Caabudwaaq ayaa warbaahinta u sheegay in Cadaaladda la horgeyn doono askarigaan eedeysanaha ah ee la sheegay inuu dilay Taliye ku xigeenkii Nabadsugida maamulka Galmudug iyo Walaashiis.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]