10/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 18, 2022
Nigeria oo saraakiil Booliis ah usoo dirtay Soomaaliya si ay u taageeraan ciidamada Booliska Soomaaliya

Isniin, Luulyo, 18, 2022 (HOL) - 160 sarkaal oo ka tirsan booliiska dalka Nigeria, ayaa gaaray magaalada Muqdisho si ay uga mid noqdaan howlgalka ATMIS, oo ay taageero ugu fidiyaan booliiska Soomaaliya, si waafaqsan qorshaha kala guurka ee Soomaaliya.

Saraakiishan ayaa bedelaya kuwo dhawaan ku laabtay Nigeria, ka dib markii ay soo gabagabeeyeen in ay gacan ka geystaan sugidda amniga doorashooyinkii baarlamaanka iyo madaxweynaha Soomaaliya.

Sida ku cad qaraarka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, qaybta booliska ee ATMIS waxay yeelan doontaa 1, 040 shaqaale ah, oo ay ku jiraan shan unug oo Booliis ah oo la Sameeyay, waxayna sii hayn doonaan masuuliyadaas illaa Diseembar 2024.

“Saraakiishan waa kuwo si fiican u tababaran oo anshax leh. Waa ay gudan doonaan waajibaadkii loo igmaday, mana fashilin doonaan dalkooda iyo Midowga Afrika,” ayuu yiri Kormeere Mohammed Ibrahim, Taliyaha qeybta guud mar uu qaabilayay saraakiisha markii ay soo gaareen Muqdisho.

Ciidamadan waa unuggii kow iyo tobnaad ee booliiska Nigeria ee loo diro Soomaaliya tan iyo 2012. Waddamada bilayska ugu deeqay howlgalka ATMIS ee Soomaaliya, waxay kala yihiin; Ghana, Kenya, Nigeria, Sierra Leone, Uganda iyo Zambia.