10/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 17, 2022
Qarax aad u xoogan oo goordhaw ka dhacay magaalada Jowhar

Axad, Luulyo, 17, 2022 (HOL) - Wararka ka imaanaya magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe ayaa sheegaya in daqiiqado kooban ka hor uu halkaasi ka dhacay qarax aad u xoogan.

Qaraxa ayaa la sheegay inuu ahaa mid xoogan oo jugtiisa laga maqlay dhamaan xaafadaha magaalada Jowhar, kaasoo wararka soo baxaya ay sheegayaan inuu ka dhacay hotel lagu magacaabo Nuur Doob oo ay dagan yihiin madax ka tirsan maamulka Hirshabeelle.

Khasaare kala duwan oo dhimasho dhaawacba leh ayaa lasoo warinaya inuu ka dhashay qaraxa, hayeeshee wali si rasmi ah looma oga inta uu dhan yahay khasaaraha iyo qaraxa nooca uu yahay.

Goobta qaraxa uu ka dhacay ayaa waxaa haatan ka socda gurmad loo sameynayo dadka ku waxyeeloobay qaraxaan dhacay, waxaana wararka hordhaca ay sheegayaan in xubno ka tirsan wasiiradda Hirshabeelle ay ku waxyeeloobeen.

Lasoco waxii kusoo kordha wararkan.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]