1/15/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 31, 2022
Beesha caalamka oo baaq kasoo saartay doorashooyinka Somaliland
 

Isniin, Janaayo, 31, 2022 (HOL) - Waddamada Somaliland ka taageera doorashooyinka, ayaa baaq ay soo saareen axsaabta siyaasada Somaliland usoo jeediyay in ay xal ka gaadhaan khilaafka doorashooyinka, isla markaana hada la bilaabo diwaangalinta codbixiyayaasha.

Qoraalka oo ay soo saareen waddamo dhawaan saraakiil matalaya usoo diray Somaliland si ay usoo ogaadaan habsami u socodka u diyaar garowga doorashada, ayaa sheegay in ay Hargaysa u yimaadeen si ay usoo indha indheeyaan qorshayaasha doorashada.

"Kadib doorashooyinkii guulaystay ee dowladaha hoose iyo wakiilada, saxiibada caalamiga ah ee taageera habsami u socodka doorashooyinka Somaliland, ayaa Hargaysa booqday 24 ilaa 27 kii January, si aanu dhinacyada ay khusayso ula falanqayno talaabooyinka xiga ee doorashooyinka Somaliland".

Waxa qoraalka lagu sheegay in waddamada Somaliland doorashooyinka ka taageeraa, ay axsaabta siyaasada ku dhiirigalinayaan in ay khilaafkooda wadahadal ku dhamaystaan.

"Waxaanu ku dhiirigalinaynaa madaxda xisbiyada siyaasada Somaliland, in ay qayaxaan  habka loo guda galayo doorashooyinka soosocda ee ay tahay in ay dhacaan sannadkan, iyagoo u maraya wadahadal iyo wadatashi, si loo gaadho qorshe laysku raacsanyahay".

Sidookale, Guddida doorashooyinka ayay usoo jeediyeen, in ay hadda bilaabaan diwaangalinta codbixiyayaasha aan diwaangashanayn, si diyaar garow fiican loogu sameeyo doorashooyinka.

Waddamada iyo ururrada ku saxeexan baaqa ayaa kala ah, Midowga Yurub, Denmark, Finland, Germany, Norway, Sweden iyo dowlada Ingiriiska.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]