1/16/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 24, 2022
Maraykanka oo duqayn ka dhan ah Alshabaab ka fuliyay gobolka Hiiraan
 

Khamiis, Febraayo, 24, 2022 (HOL) - Mareykanka ayaa qaaday weerar dhanka cirka ah oo ka dhan ah Al-Shabaab, iyagoo ku difaacayay ciidamo dowladda federalka katirsan oo lagu weeraray sugnaa meel u dhow tuulada Dudubley ee gobolka Hiiraan.

Ciidamada Maraykanka ayaa loo fasaxay inay fuliyaan weeraro lagu taageerayo ciidamada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM, sida lagu sheegay war-saxaafaddeed kasoo baxay taliska Maraykanka ee AFRICOM.

Taliska AFRICOM ayaa sheegay inay qiimaynayaan khasaaraha ka dhashay weerarka, wuxuuna si horudhac u sheegay in aysan jirin dad rayid ah oo ku dhaawacmay ama ku dhintay duqeyntan.

“Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Mareykanka ee Afrika ayaa qaadaya tillaabo weyn oo looga hortagayo khasaaraha soo gaara dadka rayidka ah. Dadaalladan ayaa ka duwan weerarada aan loo meel dayin ee ay al-Shabaab si joogto ah ugu geysato dadka rayidka ah,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay AFRICOM.

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in ay weli ka go’an tahay la dagaalanka Al-Shabaab. Wuxuu sheegay in weerarada al-Shabaab ay khatar ku yihiin mustaqbalka fog ee Maraykanka iyo danihiisa gobolka.

Waa duqayntii ugu horraysay ee Maraykanku ka geysto Soomaaliya sannadkan cusub, waxayna kusoo aadaysaa xilli uu Maraykanka Maraykanku aad u yareeyay duqeymaha Soomaaliya.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online