11/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 19, 2022
Qarax Ismiidaamin ah oo khasaare badan geystay oo goordhaw ka dhacay magaalada Baledweyne

Sabti, Febraayo, 19, 2022 (HOL) - Qaraxaan oo ahaa mid uu fuliyay ruux la sheegay inuu isku soo xiray Jaakada waxyaabaha qarxa oo ka dhacay gudaha Maqaayadda lagu magacaabo Xasan dhiif oo ku taala dhabarka dambe ee xarnta maamulka gobolka ayaa geystay khasaare kala duwan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Qaraxa oo ahaa mid aad  xoogan ayaa jugtiisa laga maqlay guud ahaan xaafadaha magaalada Baledweyne, waxaana wararka hordhaca ah ee soo baxaya ay sheegayaan ku dhawaad 10 ruux ay ku dhinteen qaraxa, halka dhaawaca uu kor u dhaafayo tobaneeyo ruux.

Qaraxa ayaa dhacay xili la sheegay in gudaha maqaayada ay ku sugnayeen dadweyne fara badan oo isug jiray masuuliyin, Odayaal dhaqameed, siyaasiyiin, dhalinyaro iyo wariyeyaal.

Dhaawacyada dadka waxyeeladu kasoo gaartay qaraxa ka dhacay gudaha maqaayada Xasan Dhiif ayaa la geeyay Isbitaalka guud ee magaalada Baledweyne, waxaana goobta qaraxa ka dhacay gaaray ciidamo fara badan oo isugu jira Booliis iyo Militari, kuwaas oo xiray agagaarka maqayaada baaritaanana ka bilaabay.

Lasoco wixii kusoo kordha faahfaahinta warkan

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online