11/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 3 , 2022
Somaliland oo beenisay in ay dad tarxiishay sida warbaahinta qaar qortay
 

Arbaco, Ogosto, 3, 2022 (HOL) - Xukuumada Somaliland ayaa beenisay war ay warbaahinta Somali Dispatch, ku sheegtay in xukuumada Somaliland si qasab ah ku masaafurisay 34 qof oo Itoobiyaan ah.

Wasaxaafadeed kasoo baxday Hay'adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Somaliland, ayaa lagu sheegay in dadkan oo ka dhoofay madaarka Cigaal ee Hargaysa, ay si iskood ah u dalbadeen in dalkoodii dib loogu celiyo.

"Waxaanu halkan ka beeninayna war aan sal iyo raad toona lahayn oo mareegta Somali Dispatch kaga been abuurtay xaqiiqda dadkaasi, oo iskood u dalbaday in dalkoodii dib loogu celiyo" ayaa lagu yidhi qoraal kasoo baxay hay'adda barakacayaasha.

Hoos ka akhriso qoraalka hay'adda oo faah faahsan:-



Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]