Hiiraan Online
1/18/2025
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Somali Music
Contact Us
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta- Isniin, Aug 29, 2022
Al-Shabaab oo ugu hanjabtay madaxweynaha cusub ee Kenya inay weeraro ka geysanayaan dalkiisa
Isniin, Agoosto, 29, 2022 (HOL) - Al-shabaab ayaa sheegtay inay weerarro ka geysan doonaan gudaha dalka Kenya, haddii madaxweynaha cusub William Ruto uu dhegaha ka fureysto in ciidamada Kenya laga saaro gudaha Soomaaliya.
Bayaan dheeer oo kasoo baxay Alshabaab ayaa lagu sheegay, in madaxweynaha cusub ee Kenya uu haysto fursad uu dib u eegis ugu sameyn karo go’aannada siyaasadeed ee arrimaha dibadda Kenya gaar ahaan joogitaanka ciidamada Kenya ee Soomaaliya.
11 sano ayaa laga joogaa markii ciidamada Kenya ay Soomaaliya gudaha soo galeen. Alshabaab ayaa sheegay inay tan iyo waqtigaas inay ciidamada Kenya ku go'doomiyeen saldhigyadooda, iyagoo aan awoodin inay ka baxaan.
Al-shabaab ayaa ku eedeysay dowladda Kenya in ay waddo dil, kufsi iyo tacadiyo kale oo arxan darro ah oo ka dhan ah muslimiinta Kenya iyo Soomaaliya.
Al-Shabaab waxay sheegtay in ay sii wadi doonto weerarada ay ku qaadeyso magaalooyinka Kenya inta ay ciidamada Kenya ku sugan yihin gudaha Soomaaliya.