1/12/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 20, 2021
Booliiska dalka Kenya oo gacanta ku dhigay nin ku eedeysan afduubka gabdhaha Soomaalida, soona badbaadiyay Xafsa Maxamed
 

Axad, Juun, 20, 2021 (HOL) - Iyadoo maalmahii lasoo dhaafay magaalada Nairobi ee dalka Kenya lagu afduubanayay gabdhaha Soomaaliyeed ee ku nool dalkaasi ayaa maanta Booliiska dalkaasi Kenya waxay sheegeen iney gacanta kuso dhigeen mid ka mid ah kooxaha wax afduubaneysay.

Booliiska dalka Kenya ayaa sidoo kale shaaciyay in maanta lasoo helay Xafsa Maxamed Luqmaan oo todobaadkan dhexdiisa la afduubtay, waxaana laga soo helay xaafada lagu magacaabo Kayole.

Ninka eedeysanaha ee Booliiska Kenya gacanta ku hayaan ayaa la sheegay inuu ka mid ahaa burcada afduubatay Xafsa Maxamed Luqmaan.

Booliiska Kenya ayaa sheegeen iney su'aalo weydiin ku socoto eedeysanaha aay gacanta kusoo dhigeen, islamarkaana aay ku raad joogaan ragii kale ee kula jiray howlaha afduubka ee lagu beegsanaayay gabadhaha Soomaalida.

Kooxda burcada ayaa Xafsa Luqmaan ka afduubatay dukaankeeda ganacsi waxayna dalbadeen lacag dhan shan Milyan oo lacagta Kenya ah oo madax furasho ah.

Arinta naxdinta badan dhalisay waxay aheyd markii kooxda burcada ah Xafsa kasoo duubeen muqaalo cabsi badan oo muujinayay dhaawacyo dhanka wajigeeda ah iyo iyadoo baryeysa qoyskeeda si aay nafteeda u badbaadiyaan iney dhiibaan lacagta aay dalbanayeen kooxda afduubatay.

Ugu dambeyntii xaalada afduubka ee lagu beegsanaayo gabdhaha Soomaaliyeed ee ku nool dalka Kenya, waxay argagax xoogan ku abuurtay Soomaalida ku dhaqan dalkaasi.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]