Ganacsade Xaaji Daa'uud oo ku geeriyooday magaalada Muqdisho
Sabti, Feberaayo, 20, 2021 (HOL) -Waxaa
caawa ku geeriyooday isbitaalka Martiini ee magaalada Muqdisho alle ha u
naxariistee Xaaji Daa'uud Cilmi Cariif. Xaajiga ayaa u geeriyooday
cudurka COVID-19.
Alle ha u
naxariistee Xaaji Daa'uud ayaa ahaa milkiilihii Hotel Lafweyn iyo
Hotelka Ambassador oo labaduba ka mid ah hoteellada ugu waaweyn
magaalada Muqdisho.
Dhinaca kale
marxuumku wuxuu ahaa Sheekh Weyn oo caalim ah islamarkaana qeyb weyn ka
qaatay fidinta diinta Islaamka iyo waliba dhismaha goobaha cibaadada
sida maasaajida iyo madrasadaha lagu barto Diinta Islaamka.
Marka
laga soo tago in uu ahaa Ganacsade Alle ha u naxariisteen Xaaji Daa'uud
waxaa uu badnaa ka qeybgalka howlaha kheyriga. sida in uu gacanta ku
hayay Ardey u badneyd daalibul-cilmi iyo hergalinta goobo laga raacdo
waxbarashada Diinta.
marxmuumka ayaa ku
dhashay degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan sanadku markii ahaa 1942.
waxaa uu ifka uga taggay labo Xaas iyo 80 ruux oo ka kooban wax uu
dhalay iyo waxay sii dhaleen.
Alle ha u
naxariistee Xaaji Daa'uud waxaa geeridiisa ka tacsiiyay dad badan oo
garanayay ganacsadaha kuwaa oo alle uga baryay in uu Jannadii ka
wareebiyo.
Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]