Hiiraan Online
1/15/2025
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Somali Music
Contact Us
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 9 , 2021
Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya oo Ka qayb galay shir lagaga hadlayay qorshaha ka baxitaanka AMISOM
Khamiis, December, 9, 2021 (HOL) - Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji ayaa ka qeyb galay shirka Golaha Amniga iyo Nabadda Midowga Afrika, kaasi oo diiradda lagu saarayay dadaallada lagu xaqiijinayo in ciidamada dowladda Soomaaliya ay dhabarka u ritaan mas’uuliyadda amniga guud ka hor inta aysan AMISOM ka bixin Soomaaliya.
Kulanka oo ku dhacay aallada fogaan araga ee Zoom ayaa sidoo kale waxaa goobjoog ka ahaa madaxa howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya Francisco Madeira.
Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa ka hadlay sidii ciidamada dowladdiisu ay door hoggaamineed uga qaadan lahaayeen dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab iyo sidii ay ula wareegi lahaayeen mas’uuliyadda amniga Soomaaliya.
Arrintan ayaa timid ka dib markii dowladda Soomaaliya ay diiday soo jeedinta howlgalka wadajirka ah ee AU iyo UN-ka, iyadoo uu hadda uu mugdi ku jiro mustaqbalka howlgalka AMISOM.
Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]