Hiiraan Online
1/15/2025
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Somali Music
Contact Us
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta- Sabti, Dec 18, 2021
Raysal wasaare Rooble oo xalay kulan la qaatay golaha wadatashiga qaran iyo midowga musharraxiinta
Sabti, December, 18, 2021 (HOL) - Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa xalay shir guddoomiyay shir fogaan arag ah oo ay yeesheen Golaha Wadatashiga Qaranka kaas oo diirradda lagu saaray arrimaha doorashooyinka.
Wajiga hore ee kulanka waxa warbixin laga dhageystay gudoomiyaha guddiga doorashooyinka kaas oo faahfaahin ka bixiyay dib u dhacyada ku yimid jidwalka doorashooyinka, hufnaanta doorashada iyo wadashaqeynta Dowlad Goboleedyada.
Kulanka waxaa ka qeyb qaatay xubno matalayay midowga Musharraxiinta oo ay ka mid ahaayeen Madaxweyne hore Shariif Shiikh Axmed, Madaxweyne hore Xasan Shiikh Maxamuud iyo Hogaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxman Cabdishakuur.
Golaha midowga Musharraxiinta ayaa inta uu socday kulanka waxay Madaxda Gollaha Wadatashiga Qaranka ka dalbaeen in la saxo qaladaadka ka jira habraacyada doorashooyinka iyo sida ay lagama maarmaan u tahay hufnaanta doorashooyinka.
Wadahadal iyo falanqeyn dheer kadib Gollaha Wadatashiga Qaranka waxa ay isku raaceen in si kama dambeys ah loo dardargaliyo qabashada kuraasta doorashooyinka iyo in Gollaha Wadatashiga Qaran uu isugu yimaado kulan dhawaan looga arinsanaya dhameystirka doorashooyinka.
Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]