Jimco, April, 23, 2021 (HOL) -Ra'iisal Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xusseen Rooble oo kulan la qaatay saraakiisha hay'addaha Amniga ayaa ka hadlay dhacdadii maalintii shalay ee Garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.
Maalintii shalay ayeey aheyd markii gudaha Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde uu isku horimaad ku dhaxmaray shaqaalaha waaxda socdalka garoonka iyo hay'adda nabad-sugida, waxaana iska horimaadkaa ka dhashay khasaare isugu jiray dhaawacyo iyo waliba burbur hantiyeed.
Ra'iisal Wasaare Rooble ayaa faray hay'addaha Amniga in ay dardar galiyaan howlahooda sugida amniga, baaritaan dhab ahna lagu sameeyo dhacdadii Garoonka Aadan Cadde.
Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online[email protected]