Hiiraan Online
11/23/2024
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Somali Music
Contact Us
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 19, 2020
Guddoomiyaha aqalka sare oo soo saaray habraaca lagu maamulayo doorashada xildhibaanada gobolada waqooyi
Khamiis, November, 19, 2020 (HOL) - Guddoomiyaha Aqalka sare ee Soomaaliya ayaa soo saaray Habraaca lagu maamulayo doorashada Xildhibaanada labada gole ee ka soo jeeda gobolada Waqooyi (Somaliland).
Tallaabadan uu ku dhawaaqay guddoomiyaha aqalka sare ayaa kusoo aadaysa xilli ay dowladda federalka horey u magacowday guddiyada maamulidoona doorashooyinka kuraasta gobolada waqooyi.
Weli waxaa muuqata in khilaafka sii xoogaysanayso islamarkaana siyaasiyiinta iyo masuuliyiinta gobolada waqooyi noqdeen labo garab oo kala taabacsan dowladda iyo mucaaradka.
Sida ka muuqata qoraalkaan, guddoomiyaha aqalka sare ayaa ku adkaysanaysa in habraaca doorashada xildhibaanada gobolada waqooyi loo marayo hannaanka ay ku yimaadeen sanadkii 2016.
Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]