1/9/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 19, 2020
Dowladda Itoobiya oo amartay hub ka dhigista Askarta Tigrayga ee ka tirsan howlgalka AMISOM

 

Khamiis, November, 19, 2020 (HOL)- Dowladda Itoobiya ayaa Arbacadii ku baaqday in hub ka dhigs lagu sameeyo Askarta ka soo jeeda qowmiyada Tigrayga ee ka tirsan howlgalka midowga Africa AMISOM ee ku sugan Soomaaliya.

Amarkan ka soo baxay Dowladda Itoobiya ayaa u muuqda mid wiiqaya awood ciidamada Itoobiya eeku sugan gudaha dalka Soomaaliya ee dagaalka kula jira xoogagga Ururka Al-shabaab.

Wararku waxaa ay intaa ku darayaan in 200 ilaa 300 oo Askari oo Tigray ka howlgala Soomaaliya durbaba hubka laga dhigay waxeyna dowladda Itoobiya sheegtay in arintan ay tahay tallaabo loo qaaday dhinaca nabad-galyada.

Ciidamada difaaca Itoobiya ayaa horaantii bishan bilaabay in ay la dagaalamaan Jabhada gooni u goosadka ee TPLF, waxaana dagaalka ay dowladdu la gashay uu u muuqdaa mid saameyn weyn ku yeeshay gobolka oo Soomaaliya ka mid tahay.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]