3/14/2025
Today from Hiiraan Online: NISA airstrikes kill 41 Al-Shabaab militants in Middle and L...
Wararka Maanta- Arbaco, May 27, 2020
Puntland iyo Galmudug oo kulan ka yeeshay amniga magaalada Gaalkacyo
thumbnailthumbnailthumbnailthumbnailthumbnailthumbnailthumbnailthumbnailthumbnailthumbnail


Arbaco, May 27, 2020 (HOL) - Masuuliyiin ka kala tirsan Puntland iyo Galmudug oo Gaalkacyo kulan gaar ah ku yeeshay Gaalkacyo, ayaa ka wada hadlay sidii la isaga kaashaan lahaa ammaanka gobolka Mudug gaar ahaan magaalada Gaalkacyo.

Wasiirka arrimaha gudaha Puntland, Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad, oo kulanka kadib la hadlay saxaafada ayaa sheegay in labada maamul ku heshiiyeen sidii loola dagaalami lahaa cid kaste oo amniga Qatar ku ah.

Wasiir Dhabancad waxa uu sheegay inay labada maamul ka midaysan yihiin dagaalka ka dhan ah argigixisada islamarkaana shacabka labada dhinac laga saaridoono kala shakiga iyo in cadowgu ka faa’idaysto.

Kulanka masuuliyiintaan ayaa yimid maalmo kadib markii Gaalkacyo lagu dilay guddoomiyihii gobolka Mudug ee dhinaca Puntland, Axmed Muuse Nuur.


Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
abdiwali.sheikh@hiiraan.com