Hiiraan Online
12/28/2024
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Somali Music
Contact Us
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta- Isniin, May 11, 2020
Dowladda Jabuuti oo shaaciyay in ay 7 bilood ka hor bixisay lacagihii gurmadka Baladweyne
Isniin, May 11, 2020 (HOL) - Dowladda Jabuuti ayaa xaqiijisay in ay 7 bilood ka hor ku wareejisay wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta musoobooyinka Soomaaliya lacag dhan $600,00, taasoo loogu talo galay gurmadka fatahaada Baladweyne.
Safiirka Jabuuti ee Soomaaliya Aadan Xasan Aadan (Belello), ayaa sheegay dowladdiisu inay kasoo baxday waqtigii loogu talo galay inay dhaqaalahaas kusoo gaarsiiso Soomaaliya, balse aysan masuul ka ahayn habka loo maamulay iyo inay ku far galiyaan dowladda oo ay gargaarkaan ku hagaajiyeen.
“Anagu inaan dowladda Soomaaliya u maamulno ma ahan waajibaadkayaga. Kalsooni weyn ayaan ku qabnaa wixii shicibkooda loogu dhiibo inay gaarsiinayaan,” ayuu yidhi Aadan Xasan Aadan.
Guddigii fatahaada Baladweyne ayaa dhawaan dowladda ku eedeeyay bixin weyday lacagihii gurmadka Baladweyne. Laakiin maalin kadib warkaas madaxweynaha Hirshabelle ayaa bartiisa twitterka kusoo bandhigay lacagtii dowladda Jabuuti ugu talo galay Baladweyne.
Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]