Axad, Juun 07, 2020 (HOL) - Wararka ka imaanaya soohdinta Gobollada Hiiraan iyo Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya ayaa waxay sheegayaan in halkaasi ay ku dagaallamayaan maleeshiyo beeleed xoola dhaqato ah oo isku haaysta dhulka iyo daaqa.
Dagaalka saakay halkaasi ka jira ayaa daba-socda, dirir xalay dhacday oo lasoo sheegay in ay ku dhinteen laba qof oo la tilmaamay in ay ahaayeen maleeshiyada dirirtu u dhexeysay.
Goobaha lagu dagaallamayo ayaa lagu kala magacaabaa Ceyr- deye iyo Miira -jaabaale, sida ay innoo sheegeen dadka deegaanka.
Ma jiraan wax tallaabo ah oo ay qaadeen maamullada Galmudug iyo Hirshabeelle oo lagu joojjnayo dagaalkaas.
Colaadda labadan beel ee walaalaha ah ayaa dhowr jeer oo hore usoo laabatay, waxaana weli si rasmi ah loogama gaarin xal muuqda.
Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
Barrow@hiiraan.com