12/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 13, 2020
Xisbiyada mucaaradka dalka Ethiopia oo kasoo horjeestay muddo kordhinta xisbiga talada haya
 


Sabti, Juun 13, 2020 (HOL) - Xisbiyada mucaaradka dalka Ethiopia ayaa ka soo horjeestay go’aankii Golaha aqalka sare ee 10-kii Juun ugu kordhiyeen muddada xil haynta Xisbiga Talada hay, sababo la xidhiidha walaaca Covid19.

Qoraal ay sii daayeen OLF, OFC iyo ONLF waxay si wada jir ah u cambaareeyeen go'aan doorashada dib loogu dhigay waxayna ka digayaan in Itoobiya ay galayso marxalad keeni doonta qalalaase siyaasadeed oo qatar ah.

“Waxaan jeclaan lahayn inaan sheegno welwelkeenna ah in kacdoonno ballaaran oo rabshado isu beddeli kara ay kicin karaan, waxaa sidoo kale adkaan doonta in la xakameeyo,”ayaa lagu yidhi qoraalka wadajirka ah.

Jabhadda Waddaniga Xoreynta Ogaadeenya (JWXO) waxay muujisay sida ay uga walaacsan tahay go'aanka Golaha Shacbiga ee ah in dib loo dhigo doorashada 2020 iyo kordhinta waajibaadka dowladda iyo hay’adaheeda oo ka baxsan waxa dastuurka uu ogolyahay.

“Annaga oo ka walaacsan nabadgelyada dadweynaha, Si kastaba ha noqotee, waxaan aaminsanahay in muddo-kordhin kasta oo loo sameeyo xukuumadaha xilligan jira inay ahayd in lagu maro hanaan loo wada dhan yahay iyo wadatashi taasoo dhalisa is afgarad siyaasadeed halkii laga gaari lahaa go'aan mideysan oo hal xisbi ay ku xukuntay baarlamaanka laba geesood ah,” ayaa lagu yidhi qoraalka ONLF.

ONLF ayaa ugu yeertay dowladda inay wada hadal deg deg ah oo dhameystiran la yeelato dhammaan kooxaha mucaaradka.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]