Hiiraan Online
12/28/2024
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Somali Music
Contact Us
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta- Sabti, July 11, 2020
Shirkii maamul Goboleedyada oo maanta furmaya iyo ajendayaal culus oo lagu soo qaadi doono
Sabti, Luulyo 11, 2020 (HOL) - Waxaa maanta lagu wadaa in magaalada Dhuusamareeb uu ka furmo shirka madaxda Maamul Goboleedyada dalka, waxaana lagu wadaa in lagusoo qaado ajendayaal dhowr ah, oo dhammaantood diiradda lagu saarayo xaaladda kala guurka ah ee waddanka.
Wax-yaabaha ayaa lagusoo hadal qaadi doono waxaa kamid ah arrimaha dib-u-eegista dastuurka, doorashooyinka dalka iyo sharciyo maalmihii ugu dembeeyay ay meel-mariyeen baarlamanka.
Shirka ayaa marka uu furmo waxaa hadallo ka jeedin doono madaxda maamullada, kadibna waxaa toos loo guda geli doonaa ajendayaasha.
Madaxda dowladda faderaalka ah ayaan qeyb ka aheyn shirkan maanta furmaya, waxaana waxa kasoo bixi doona shirkaan indhaha ku haya dhinacyada daneeya siyaasadda Soomaaliya.
Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]