Tirada kiisaska Coronavirus ee degaanada Puntland oo sii korortay
Axad, Abril 26, 2020 (HOL) - Tirada bukaannada uu soo ritay COVID-19 ee gudaha Puntland ayaa korortay 24-kii Saac ee la soo dhaafay, sida ay sheegeen guddiga xakamaynta cudurka Coronavirus.
Wasiirka caafimaadka Puntland Dr Jamac Farax Xasan oo ah guddoomiyaha guddigaan ayaa warbaahinta u sheegay in maanta la baaray 10 xanuunkana laga helay 4 qof.
Wasiirka Caafimaadka ayaa sheegay in tirada guud ee xaaladaha COVID-19 Puntland laga diiwaan geliyay ay noqonayso 10 ruux,
Majirto wali bukaan ugeeriyooday xanuunka.
9 kamid ah bukaanada xanuunka laga helay waxaa la diiwaan galiyay labo maalin gudaheed, waxaana u sabab ah markii Puntland loo keenay qalabkii cudurka lagu baarayay.
Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
abdiwali.sheikh@hiiraan.com